Trump2.0: Soo Noqoshada Trump maxay uga dhigantahay CAALAMKA

Share with your friends

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka M.r Donlad Trump, ayaa ku soo laabashadiisa aqalka cad lagu tilmaamay ina ay tahay soo noqoshadii ugu waynayd taariikhda mareykanka, Iyadoona loo aanaynaynayo farqiga xooga leh ee uu kaga guulaystay musharraxa la tartamayay Kamala Harris.

Dadka falanqeeya siyaasadda caalamka ayaa in badan Trump ku tilmaama inuu yahay nin aan la saadaalin karin isbedbedelkiisuna uu badan yahay.

Iaydaoo ay taa jirto ayaa maqaalkaan waxaan ku eegi doonnaa saamaynada siyaasadda cusub ee Trump ay ku yeelan karto caalamka, gaar ahaan xiiligaan lajoogo oo ay badan tahay dagaallada ka socda goobo kala duwan sida dagaalada ka socda Bariga dhexe iyo midka Ruushka iyo yukrayn.

Maqaalkaan gudahiisa waxaanu ku eegi doonna seddex dhinac oo kala duwan taa oo Madaxwaynaha maraynkana sugayso inuu la tacaamulo.

1. Siyaasadda gudaha

mr Donald Trump

 Sidii horay looga bartayba Trump ayaa xooga saari doonna sidii uu maraykanka dib ugu soo celin lahaa booskii uu ka taagnaa caalamka, kaa oo si aad ah u wiiqday intii uu socday dagaalka Ruuska iyo Yukrayn iyo midka uu gumaystaha Israel ku qaaday magaalada Gaza.

Sida uu inbaday ku sheegay ololihiisa doorashada Trump ayaa ka shaqayn doonna sidii uu kor ugu ugu soo qaadi lahaa sumacda sii lumaysa ee dalka maraykanka.

Iyada oo ay ahaydba hal-qabsiga ololihiisa “Mar kale aynu kadhigno Maraykanka mid wayn”, si uu taa u xaqiijiyana Trump ayaa u mari doona qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin

Sare u qaadista dhaqaalaha dalka

Asagoona xooga saari doona wax soo saarka maxalliga canshuuro fara badanna ku soo rogi doona badeecooyinka laga soo dhoofiyo dibadda kuwaa oo laga heli karo dalka sida Gawaarida ku shaqeeya korontada oo si aad looga soo dhoofiyo dalka shiinaha.

Inuu hoos dhigo canshuuraha la qaado:

Trump ayaa ololihiisa doorashada ku ballan qaaday inuu yarayn doono canshuuraha laga qaado muwaadiniinta.

Xakamaynta Muhaajiriinta sharci darrada ah ee  ku soo qul-qulaya dalka:

Trump intii uu waday ololihiisa doorashada waxa uu aad ugu cambaareeyay xisbiga talada haya inay aad uga gaabinaayaan xakamaynta muhaajiriinta sharci darrada ah, wuxuuna ballan qaaday inuu dhamaystiri doono darbigii uu dhismihiisa bilaabay xilligiisii hore ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Meksiko.

Trump ayaa in badan ku tilmaamay soo galootiga sharci darrada ah inay tahay arrin aaan la qaadan karin asagoo sheegay xataa inay cunaan xayawaanada guri jooga ah sida Mukulaalaha iyo Eeyda.

 Jinsiyada Faraha badan:

Si kaduwan sida xisbiga hadda talada dalka haya Trump ayaa wiiqo doona awoodda iyo dhaqdhaqaayada ururada u dooda jinsiyada faraha badan sida LGBT+ iyo kuwa la midka ah.

Trump ayaa in badan sheegay in dalku uu ka jiro kaliya laba jinsi oo kala ah ; Lab iyo dheddig.

Dhaqdhaqaayada isbeddelka cimilada

Trump ayaa ballan qaaday inuu laalli doono ururada iyo dhaqdhaqaayada uu Maraykanka hadda qayb ka yahay sida Heshiiska Paris ee cimilada kaa oo loogu golleyahay in lagu yareeyo isticmaalka shidaalka la qodo kaa oo saamayn wayn ku yeellan kara cimilada caalamka kuna yeeshay.


2.Siyaasadda Dibadda

mr Donald Trump

Madaxwaynaha ladooraty ee maraykana ayaa sugayo caqabado faran kuwaa oo kaga imaan doona dhanka dibadda sida:Xaaladda ka taagan bariga dhexe.

Indhaha caalamka ayadaa wada eegaya sidii uu Trump ula tacaamulli lahaa xaaladda sii xumaanaysa ee bariga dhexe.

Trump ayaa in badan sheegay in haddii uu madaxwayna ahaan lahaa uu horay kasoo gaba gabayn lahaa dagaalka ka socda bariga dhexe.

Dhinacyo kala duwan ayay xaaladuhu ka taagan yihiin ee ugu horeyso dagaalka ka socda dhulka falastiin iyo lubnaan, La tacaamulka heshiiska Nukliyeerka ee Iran iyo  Xuutiyiinta Yaman.

3.Siduu Trump ula tacaamuli doonna kiiska Falastiin. 

mr Donald Trump

11 bilood ka dib markii loo dhaariyay xilka Madaxweynaha Mareykanka xilli maamulkiisii hore,  Donald Trump ayaa 6-dii December, 2017, sheegay in Israa’iil ay tahay dal madaxbannaan, xaqna ay u leedahay, sida dowlad kasta oo kale, inay go’aan ka gaarto Caasimaddeeda. waa shuruud lagama maarmaan u ah helitaanka nabadda.

 Ku dhawaaqistiisa caanka ahayd, Trump wuxuu yiri, “Maanta waxaan ugu dambeyntii qiraynaa waxa muuqda, taas oo ah in Jerusalem ay tahay caasimadda Israa’iil, tani maaha wax ka badan ama ka yar qirashada xaqiiqda, sidoo kale waa wax sax ah in la sameeyo.” 

Isla ogeysiiska, Trump wuxuu amar ku siiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka inay isu diyaariso in safaaradda Mareykanka laga raro Tel Aviv loona raro Qudus, wuxuuna tilmaamay in qandaraasyada naqshadeeyayaasha, injineerada, iyo qorshayaasha ay si degdeg ah u bilaaban doonaan si safaaradda cusub loo dhiso.

Ku dhawaaqistan ayaan ahayn mid la yaab leh oo ka timid qof sida Trump oo kale ah, dadka reer Qudusna kuma tiirsana maamulkiisa iyo maamulladii hore iyo kuwii ka dambeeyay ee Maraykanka.

 In kasta oo Yuhuudaynta Qudus iyo ku xad-gudubka xaaladda ka taagan Masjidka Al-Aqsa ay tahay siyaasad qadiimi ah oo Israa’iil ay ku dhaqmi jirtay tan iyo qabsashadii Bariga Quddus 1967-kii, haddana ku dhawaaqida Trump ayaa Israa’iil siisay xorriyad dheeraad ah oo ay ku dhaqangeliso qorshaheeda iyo siyaasaddeeda cunsuriyadda ku dhisan ee magaalada la haysto.

Trump ma qarin mawqifkiisa ku aaddan taageeridda dagaalka Israa’iil ee Marinka Gaza ku wado, iyo dalabkiisa ah in si degdeg ah loo joojiyo, sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska “Israel Today” bishii March 25, 2024, kaas oo uu ku baaqay in si qarsoodi ah loo maareeyo dembiyada Israel, waxa uu yiri, “Habeen kasta waxaan arkaa dhismayaal ku soo dhacaya dadka, waxaana la sheegay in muuqaaladan ay soo bandhigtay Israa’iil iyada oo loo marayo Wasaaradda Difaaca ee Israa’iil, aniga waxaan idhi: Waa maxay sababta ay tani u soo bandhigayaan, dadku waa in aanay taasi arkin!” Waxa kale oo uu ka gaabsaday su’aashii majaladda Time ee ahayd in uu ka joojin doono gargaarka Israa’iil haddii ay joojin weydo dagaalka, balse waxa uu markii dambe taageeray waxa uu ugu yeedhay xaqa ay Israa’iil u leedahay in ay sii waddo “la dagaalanka argagixisada”.  

mr Donald Trump

Waxa uu arrintan si cad ugu caddeeyey dooddiisii ​​ugu horreysay ee uu la yeesho Biden, kaas oo uu ku sheegay in Israa’iil ay tahay xisbiga doonaya in uu dagaalka sii wado, iyo in Biden ay tahay in uu daayo Israa’iil si ay u dhammaystirto hawsheeda, laakiin ma doonayo in uu taas sameeyo.” 

Kadib waxa uu ballan qaaday in uu dagaalka uu soo afjari doono khudbadii uu ka jeediyay Milwaukee, Wisconsin, July 19, 2024, isaga oo sheegay in “in la haystayaasha dib loo soo celiyo ka hor inta aan xilka la wareegin, haddii kale qiimo culus ayaa la bixin doonaa.” 

Sidoo kale, danjirihii hore ee Maraykanka u fadhiyay Israa’iil David Friedman ayaa wareysi uu siiyay Channel 12 ee Israa’iil ku sheegay in Trump uu taageersan yahay “guul deg-deg ah oo go’aan leh oo ay gaarto Israa’iil… .”

Siduu Trump ula tacaamuli doonaa Dagaalka Yukrayn.

mr Donald Trump

Dhanka dagaalka Ukrain, Trump waxa uu carabka ku adkeeyay in haddii uu xukunka hayn lahaa aanu dagaalkani dhici lahayn, isaga oo ku eedeeyay maamulka madaxweyne Joe Biden in uu wax ka qabanayn dhibaatadan, sidoo kale waxa uu sheegay in aanu qorshaynayn in uu dagaal bilaabo, balse taa beddelkeeda uu dagaalku soo afjari doono. 

Jawaabta Ruushka ayaa timid ka dib markii Trump uu ku dhawaaqay guushiisa doorashada, isagoo xaqiijiyay in Kremlin-ka uu ku la dhaqmi doono Trump si ku saleysan ficilladiisa muddada soo socota. 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa sheegay in Moscow ay diyaar u tahay inay wadahadal daacad ah la yeelato Mareykanka, isagoo carabka ku adkeeyay in hadalada Trump ay tahay in la raaciyo ficilo iyo tallaabooyin la taaban karo si loo gaaro nabad. 

Gunnaanud

Ku soo noqoshada Donald Trump ee Aqalka Cad waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid dhaqdhaqaaqa caalamiga ah.  Halka qaar ay u arkaan siyaasadiisa inay tahay sixid lama huraan ah oo ku wajahan caalamka , qaar kalena waxay ka baqayaan inay wiiqi karto iskaashiga caalamiga ah oo ay uga sii dari karaan xasilooni darada caalamka.  Maaddaama Trump uu ku guda jiro muddo xileedkisa  labaad, indhaha dunidu si dhow ayay u dhowrayaan.  

 Trump ma ku guuleysan doonaa, kadib markii uu qabtay madaxtinimada Mareykanka, inuu maamulo faylalkaas oo uu nabad iyo xasilooni ku soo gabagabeeyo, mise danaha Mareykanka ayaa ka hor imaanaya qaar ka mid ah faylalkaas?


Read Also

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top